SAWIRRO: Banaan bax balaaran oo ay kasoo qayb galeen Madaxda dalka oo ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxa ka socda banaanbax ayay dadweynuhu ku muujinayaan dareenkooda, islamarkaana ay uga soo horjeedaan ciddii gaystay qaraxii 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Banaan baxayaashii ayaa isagu tagay Garoonka wayn ee Koonis oo ku yaalo degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banadir halkaasoo ay ku soo bandhigayaan shucuurtooda iyo sida ay uga Xunyihiin dhibaaradii uu geystay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Banaan baxan waxaa ka qayb qaatay Madaxda u sareysa Dowladda Federalka Soomaaliya waxaana ka mid ahaa Masuulyiinta ka qayb qaatay Banaan baxaas Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’isalwasaare Xasan Cali Khayre, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, iyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, iyo Masuuliyiinta Gobolka Banaadir waxayna dhamaantood Kalmada Kooban ka jeediyeen Garoonka ay dadku isagu yimaadeen.

Madaxdii kasoo qayb gashay Banaan baxaas ayaa ugu horeyn u duceeyay dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay Musiibadii ka dhacday Isgoyska Zoobe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay muhiim tahay in ay is cafiyaan Musiibooyinka ku dhacayana ay ka timid dhanka ALLAH, Haddi Alle la raali galiyo ay wax walba Wanaagsanaan doonaan, Bulshada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay Midnimo muujiyaan iyo Is cafin haddi ay isku Naxariistaana ay heli doonaan Naxariista Allah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balan qaaday in uu dhisi doono Ciidamada difaaca Shacabka Soomaaliyeed waxa uuna ku baaqay in dagaal lala galo Shabaab walibana uu isagu safka hore ka gali doono dagaalkaas.

Sidoo Kale Madaxweyne Farmaajo aya bogaadiyay Wadamadii usoo Gurmaday Soomaaliya gaar ahaan waxa uu si aad ah u bogaadiyay Dowladda Turkiga oo Gurmad balaaran u fidisay Umadii dhibaatadu kasoo gaartau Qaraxii Weynaa ee sababay Dhimashada Badan.

Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa buux dhaafiyay Boqolaal Shacab ah iyadoona ay wali kusii qulqulyaan Garoonka Koonis.

Waxa kale oo wali socda gargaarka ka imanaya gudaha iyo dibada lagu taban taabinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.

Qaraxii ka dhacay Muqdisho 14-kii Bishaan ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 300 oo qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 400 qof, waxaana wali socda Gurmadka dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxaasi.