Ururka Alshabaab qeybtiisa ku sugan Gobolka Shabeelaha hoose ayaa degaanka Kuunyo Barrow ka hir galiyay ol’ole lagula dagaalamayo kaneecada.

Ol’olahan oo uu ku baxay dhaqaale iyo juhdi ayaa si hab sami leh uga socda degaanka waxaana loo xil saaray koox u tababaran oo qalabkoodu u dhammeystiran yahay.

Maamulka ayaa sheegay in ol’olahan horay looga soo fuliyay dhowr degaan islamarkaana lagu guuleystay hadafkii laga lahaa oo ah in kaneecada lala diriro.