Ururka Al-Shabaab ayaa markale soo bandhigay Sawirrada Weerarkii ay Bishii September ku qaadeen deegaanka Buula Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.
Sawiirada oo ay soo dhigeen baraha ay Internet-ka ku leeyihiin ayaa waxa ay sheegeen in weerarkaas Saanad Meleteri oo isugu jira hub iyo Gaadiid ay ku soo qabsadeen.
Sidoo kale Weerarkaas ayaa ahaa mid lagu bilaabay Baabuur lagu soo xiray waxyaabaha qarxa kaasoo uu waday Qof Naftiis hore ah iskuna Qarxiyay Ilinka Hore ee Saldhiga Ciidamada Buulo Gaduud.
Hadaba Al-shabaab ayaa magaca ninkii isku qarxiyay Saldhiga Ciidamada Buulo Gaduud waxa ay ku sheegeen Axmed C/Casiis Cabdulaahi kuna magac dher Muctazim.
Axmed Cabdal Casiis ayaa ku dhasahy deegaanka Buur hakaba ee Gobolka Baay.