Al-shabaab ayaa soo bandhigay Muuqaal ka kooban Video iyo Sawirro kaasoo ay ka duubeen duulaanki Cuslaa ee bilo ka hor ay ku qabsadeen Saldhiga degmada Beled xaawo.
Al-shabaab ayaa weerarkaas ku bilaabay Gaari ay kasoo buuxiyeen Waxyaabaha Qarxa kaasoo goor aroor hore ah ay uga Naxsadeen Ciidamada Ilaalada Saldhiga kadibna waxaa xigay dagaal Toos ah oo marki dambe ay kula wareegeen guud ahaan Saldhiga iyo hareeraha Beled xaawo.
Al-shabaab ayaa Bogaga ay ku leeyihiin Internetka waxa ay kusoo bandhigeen Sawirada Gaadiid iyo Hub ay ku sheegeen in ay kala wareegeen Ciidamada Maamulka Jubbaland.
Musasada Al-Kataa’ib, Garabka Warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa baahisay Muuqaalo iyo Sawirro oo lagu soo bandhigay duulaankaas Al-Shabaab ay ka fuliyeen degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.
Kadib markii ay Al-shabaab qabsadeen Saldhiga Beled xaawo waxaa xigay Duqeyn ay ka geysteen Ciidamada Kenya degmadaas taasoo u saamixi weyse Al-shabaab in ay kusii fidaan Gudaha Degmada.
Halkan ka daawo Sawirada ay baahiyeen Al-shabab