SAWIRRO: Al-Shabaab oo lagala wareegay deegaan ka tirsan SH/Hoose

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ururka Al-shabaab kala wareegay Degaan lagu magacaabo Abiikarow oo hoostaga Degmada Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Degaanka Abiikarow ka weeraray labo jiho halkaasi oo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab, waxaana u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan guud ahaan degaanka.

Howlgalka Al-shabaab looga saaray Degaanka Abiikarow ayaa waxaa fuliyay Ciidamada Ururka 26-aad ee Guutada Saddexaad Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ee ka Howlgala Gobolka Shabeellaha Hoose

Talyaha Ururka 26-aad Ee Guutada Saddexaad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Sare Xasan Maxamed Abuukar oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-shabaab ka xureeyeen Degaanka hoosyimaada Degmada Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Abukar waxa uu tilmaamay in Degaanka Abiikarow ay Al-shabaab ku dhibaateyn jireen dadkashacabka ah, balse wixii hada ka dambeeya ay ku sugnaan doonaan Ciidamada xoogga dalka.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Shabaab ayaa Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM waxa ay dardar geliyeen dagaalka ay kula jiraan Shabaab, ee guud ahaan dalka looga saarayo.