SAWIRRO: 35 Qof oo Dhaawac ah iyo Meydka 1 Ruux oo la geeyay Isbitaalka Laas-caanood

Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari ay la socdeen tahriibayaal u dhashay dalka Itoobiya gaar ahaan qpwmiyada  Oromada.

Dhaawaca 35 iyo halka Meydka ah ayaa waxaa haatan uu yaalla Isbitaalka guud ee Magalada laas-caanood sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka,iyaga oo sheegay in ay u baahan yihiin gurmad Caafimaad.

Inta badan tahriibayasha u dhashay dalka Itoobiya ee shilkaas ku dhaawacmay ayaa ah Dhalinyaro,waxaana dhaawacoodu uu isugu jiraa mid culus iyo mid fudud.

Madaxda Caafimaadka ee Isbitaalka laas-caanood masheegin in dhaawac looga keenay dagaalka ka socda deegaanka tukaraq xilli wararkaas ay soo baxayeen,waxa ayna sheegeen in iminka ay ku howlan yihiin sidii Eheladooda loogu wargelin lahaa dadka ku dhaawacmay shilkaasi gaari.