Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa ka qeyb galay shir deg deg ah oo ay yeesheen dalalka Jaamacadda Carabta.
Kulanka oo ka qabsoomay Magaalada Barakeysan ee Makkah ayaa waxaa Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis uu isugu yeeray dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta.
Kulankaas ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka xilligaan ka jira dadlka Carbeed qaarkood iyo sida looga gudbi karo,waxaaana ay ku balameen in la kordhiyo kulamada noocaan oo kale ah.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani.