Sawiro: Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM oo Safar qarsoodi ah ku tagay Bariire

Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM Soomaaliya Jenaraal Tigabu Yilma Wondimhunegn iyo saraakiil kale ayaa booqasho aan horay loo shaacin waxa ay ku tageen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo 1dii Bishii May ee sanadkaan  Ciidanka Dowladda ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Booqashadaas ayaa aheyd mid Taliyaha guud iyo saraakiisha la socotay ay ku qiimeynayeen sida ay u wada Shaqeeyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ee ku wada sugan deegaanka Bariire.

Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay taliyeyaasha AMISOM iyo kuwa xoogga dalka ee Aaga Bariire,isaga oo kala hadlay sidii uga  feejignaan lahaayeen weerarada Al-Shabaab iyo sidii ay u xoojin lahaayeen la-dhaqanka Bulshada deegaanka bariire.

Sidoo kale Taliyaha ayaa saraakiisha AMISOM  iyo kuwa xoogga dalka ee Aaga Bariira kula dardaarmay inay xoojiyaan wadashaqeynt kala dhaxeysa Shacabka ku nool deegaanka,isla markaana adkeeyaan sugida dhinaca Amniga.

Ciidamada AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab iyo sugida Amniga Xarumaha muhiimka ah ee Dowladda.