Sawiro: Nin doonayay inuu isku qarxiyo Munaasabad ay lahaayeen Ahlu-suna oo la qabtay

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlusuna ay gacanta ku dhigeen nin doonayay inuu isku qarxiyo munaasabad ay lahaayeen Maamulka Ahlusuna.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo gudbay baaritaanka, waxaana ninkan oo soo galay hoolkii ay fadhiyeen Madaxda uu isku dayay inuu isku qarxiyo, balse ay u qarxi weyday, waxaana isagoo jaakadii qaraxa u xirneyd la xarbinayay ka hortagay Ilaalada Ahlusuna oo isku duubay, garba duubna u xiray.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlusuna ay ninkan ka fureen jaakadii qaraxa uu xirnaa, isagoo laga saaray goobtii uu doonayay inuu isku qarxiyo

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay Ciidamada Ahlusuna oo ninkan ku hareereysan, isla markaana gacmaha iyo lugaha ka hayay.

Munaasabadda uu doonayay inuu ninkan isku qarxiyo ayaa waxaa ku sugnaa Madaxda Ahlusuna, sida Hoggaamiyaha Guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud, Sheekh Maxamed Shaakir Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Sheekh C/risaaq Al-shcari

Ahlusuna ayaa sanad walba 17-ka Ramadaan waxay qabtaan Munaasabad ay ugu magac dareen Maalinta Shuhadada oo ay ku xusaan dagaalyahanadii uga geeriyootay dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab 10 sano ka hor.