SAWIR: Faah-faahinta Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Siinka dheer

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray saldhiga ciidamada Nisa ay kuleeyihiin deegaanka siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay qaraxaasi ismiidaaminta ahaa waxeyna sheegeen in lagu dhuftay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay Koontoroolka ay askarta dowladda soomaaliya, Gawaarida soo galeysa magaalada Muqdisho ku baaraan ee ku yaal Siinka-dheer.

Saraakiisha laamaha Amiga Soomaaliya ayaa sheegay nuuca gaariga ismiidaaminta ahaa ee qarxay inuu ka yimid dhanka isgoyska Ex.kontrol Afgooye ee gobalka shabeellaha hoose.
Gudoomiye ku xegeenka deegaanka Lafoole Cabdi maxamed cabdulle ayaa xaqiijiyay inuu jiro qaraxaasi ismiidaaminta ahaa, inuu ka dhacay deegaanka siinka dheer oo saldhig weyn ay ku leeyihiin ciidamo katirsan Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan qaraxaasi ayaa ku waramaya inuu jiro khasaare dhimasha iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamo katirsan Nabad Sugida iyo dad shacab ahaa oo halkaasi ka agdhawaa.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan, Ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray, saldhiga ciidamada Nisa ay kuleeyihiin deegaanka siinka dheer.
“Weerarkaas waxaa fuliyay ruux Naftii hure ahaa oo Ciidamadeenu kamid ahaa, waxaan ku beegsanay isku imaatin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho , waxaana weerarka dhimasho iyo dhaawac ku noqday in kabadan 20 askari”  ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ee lagu sheegtay Mas’uuliyada weerarka ka dhacay Siinka dheer.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee fariisinka weyn ku leh deegaanka siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Qaraxa goor dhow ka dhacay duleedka Muqdisho ayaa ku soo aadaya, xilli saaka la xiray waddooyin dhowr ah, iyadoo heegan iyo feejignaan sare la geliyay ciidamada ammaanka, kaddib markii la helay digniino ku aadan Weerar suurta gal ah in Xarakada Al-Shabaab ay ka fuliso gudaha magalada Muqdisho.
Sawirka hoose Waa mid kamid ah Sawiradii Laga Soo Qaaday Weerarkii Ismiidaaminta ee ka dhacay Siinka Dheer.