Sarkaal nabad sugida ka tirsan oo saakay la toogtay

Saakay aroornimadii hore ayaa kooxo ku hubeysan bistooladu waxay dil ka geysteen xaafada maana-bolyo ayagoo dilay sarkaal ka tirsan ciidamada nabad sugida kooxaha dilka geystay ayaana gobtaas isaga baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalka la dilay lagu magacaabo Maxamuud Xaaji Cali Cumar oo si weyn looga yaqaano Xaafada Maana-booliyo, waxaa uu ahaa Jeneraal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida.

Sarkaalkan ayaa la sheegayaa in lagu hor-dilay meel u dhow gurigiisa oo uu fadhiyay, Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, iyagoo xir xiray dad ka ag dhowaa halka dilka uu ka dhacay.

Dilalkan qorsheysan ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana mas’uuliyadooda sheegata Al-Shabaab.