Gaari Surf ah ayaa ku qarxay wadada gasha Iskooska Jubba meel kudhaw dhismaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumada Federaalka.
Qaraxa ayaa ahaa mid ku xernaa gaari uu lahaa Sarkaal katirsan NISA,waxaana dhaawac kasoo gaaray C/lahi Nuur Samater (Caana Boore) oo katirsan Hey’ada NISA.
Qaraxa ayaa dhacay Wax yar uun kadib Markii wadadaa ay mareyn gawaari galbineesay Raisul Wasaraha Dalka Xasan Cali Kheyre.
Taliyaha Ciidanka Boliska Gobolka Banaadir Axmed Xassan Maalin oo suxufiyiinta kula hadlay goobta gaariga uu ku qarxay ayaa faah faahin ka bixiyay sida Qaraxa uu u dhacay iyo Khasaaraha ka dhashay.