Wararka ka imaanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab uu isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan degaanka Buurhakaba.
Saraakiil ku sugan degaankaas ayaa xaqiijiyay in Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab uu isa soo dhiibay isla markaana Sarkaalkaan uu wato hub in kastoo aysan shaacin magaciisa iyo waliba tirada hubka uu wato inta uu la egyahay,waxa ayna sheegeen in hadda uu gacantooda ku jiro dhowaana ay sii gudbin doonaan.
Sababta ka dambeeysa arintaan ayaa waxa ay sheegeen in uu la soo xariiray masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada oo ay Ehelo ahaayeen taas oo keentay in Gacmo furan lagu soo dhaweeyo.
Shalay ayay aheyd markii Wasaarada Amniga Soomaaliya ay sheecisay in ay Gacanta ku dhigeen Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.