Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay Gobolka Bakool

Hawlgal ay ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia ay ka sameeyeen agagaarka degmada Waajid ayey ku dileen sarkaal ka tirsanaa hogaamiyeyaasha ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Macalin Deerow.

Wasiirka Amnina ee Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa Warbaahinta usheegay in hawlgal kaasi ay ciidamadu ku dileen lix qof oo uu ka mid yahay Macalin Deerow.

Macalin Deerow ayaa ahaa sargaal Shabaab u qaabilsan abaabulka weerarada iyo qaraxyada gobolada Baay iyo Bakool,