Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubbaland oo isku dhiibay Al-Shabaab (Sawiro)

Al-Shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku soo bandhigay Sarkaal ay ku sheegeen magaciisa Col. Yaasiin  Faarax Fiilo oo ka tirsanaa Saraakiisha Maamulka Jubbaland.

Sarkaalkaan ayaa waxaa la socday saddex askari oo la sheegay inay ilaalo u ahaayeen, kuwaasi oo si toos ah ugu biiray Ururka Al Shabaab.

Shabaab ayaa sheegay Col. Yaasiin  Fiilo inuu garawsaday ku biiritaanka ciidanka Shabaab, kadib markii uu ka damqaday dhibaato ay sheegeen in lagu haayo shacabka Somaliyed.
Warbaahinta Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay Col. Yaasiin Fiilo iyo askartii la socotay meel fagaare ah inay kaga dhawaaqeen inay towbad keeneen.

Sarkaalka Shabaab ay soo bandhigeen iyo illaaladiisa ayaa ka mid noqday Ururka Al Shabaab, waxayna iska dhiibeen Magaalada Jilib, kadib markii dhawr maalmood ka hor ay ka baxeen Magaalada Kismaayo duleedkeeda.

Jubbaland weli kama aysan hadlin Sarkaalkaan Shabaab ay sheegeen inuu ka soo goostay dhanka Jubbaland.