Sarkaal ka tirsan Nabad sugida ayaa gaarigiisa loogu xiray miino kuwa baabuurta lagu dhejiyo ee Magnada leh, iyadoo sarkaalkan uu markii dambe ogaaday in gaarigiisa miino loogu xiray.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Ismaaciil Daahir ayaa degmada Dayniile loogu xiray Miinada, waxaana markii dambe uu dambe, isagoo gaarigiisa wata soo dhacay taleefan miinada ku xirnaa, taasoo keentay in dhicistii mobilka uu maqlo, dabadeedna ka degay gaariga.
Miinada iyo taleefanka ayaa ahaa kuwo isku xirnaa oo fiilooyin wada xiriirinayay, waxaana layaab aheyd inuu durbaba gaariga ka degay, markii uu dhawaaqa mobilka maqlay, oo la sheegay in taleefanka mobilka ay aheyd aalada fududeyneysa inay qaraxdo miinada.
Sarkaalkan oo ka degay gaariga ayaa ku wargeliyay Saraakiisha miino baarista, waxaana lagu guuleystay in la kala furo miinada, laga soo saaro baabuurkii qeybta hoose looga dejiyay.
Dhacdooyinkan ayaa ah kuwo dhif iyo naadir uu ka bad baado qof gaarigiisa loogu xiro miino, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, qaraxyada lagu xiro gaadiidka ay wataan dadka kala duwan, sida saraakiisha ciidamada, ganacstada, wariyeyaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Sawiro