Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo lagu toogtay magaalada Muqdisho

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa goordhow degmada Hodan ee gobolka Banaadir  gaar ahaan Xaafadda Jaamacadda Gaheyr waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka.

Sarkaalka waxaa la dilay xilli uu kasoo baxay Gurigiisa oo ku yaalla halkaasi,waxaana toogtay Kooxo hubeysan sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray  xidigle Farxaan Barkhad, kaasi oo la sheegay inuu ka mid ahaa Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, halkaasi oo ay ka qaadeen Meydka Marxuumka la dilay, waxaana loo qaaday xarunta Dambi baarista ee CID-da, si baaritaano loogu sameeyo.

Ciidamada ayaa halkaasi ka bilaabay baaritaanada la xiriira dilkan, waxaana ay sheegeen in ay ku raad joogaan raggii ka dambeeyay dilka Farxaan Barkhadle.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanaayay ciidamo iyo dad Shacab ah.