Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo madaxiisa lacag $3 Milyan ah la dul dhigay

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Madaxa Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay saartay $3Milyan oo doollar oo la siin doona cidii keenta xog sahlikarta in gacanta lagu dhigo Ama la dilo.

Dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in sarkaalkaasi uu abaabulay Weeraro badan oo ka dhacay Kenya iyo Soomaaliya, islamarkaana uu ka mid yahay Shaqsiyaad Khatarta ku ah Ammaanka Afrika.

Axmed Iman Cali, oo ka tirsan Al-Shabaab gaar ahaan qeybta dalka Kenya ayaa horay waxaa lacag badan u duldhigtay dowladda Kenya ,laakiin ku guuldareysatay in ay soo qabato.

 Axmed waxa uu Mareykanka ku sheegay in uu yahay hoggaamiyaha garabka Al-Hijra ee Al-Shabaab kana dagaallama dalka Kenya iyo xuduuda Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa bayaan maalntii Khamiis aheyd  ay soo saartay waxa ay liiska Argagixisada ku dartay kooxda Jamaactu Al Hijra oo ay ku sheegtay inay ka hawlgasho Soomaaliya iyo Kenya, xiriirna la leh Shabaab.

Dowladda Mareykanka  ayaa sheegtay in kooxda Al Hijra oo 2008-kii ku aas aasanatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya inay tahay laanta Al Shabaab ee Kenya.

Al Hijra waxa ay gacan ka geysataa askareynta xubnaha Shabaab ku biiraya, waxaan ay fududeysay in xubnaheeda ay si caadi ah ugu socdaalaan Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan falalka argagixisanimo.