Horjooge ka tirsan Alshabaab ayaa isu dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo iyadoo ay la socdaan laba ilaalo oo uu lahaa.
Sargaalkan oo lagu magacaabo Cabdinuur Macalin Xasan ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Maleeshiyaadka Al shabaab ayaa isu dhiibay Ciidamada Nabadsugida Jubaland iyo Saraakiisha Guutada 10-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobalka Gedo.
Sarkaalkan ayaa lagu soo bandhigay magaalada, wuxuuna Alshabab u qaabilsanaa degaanada Gobolka Gedo, wuxuuna kadib u wareegtay degaanada Koofur galbeed Soomaaliya.
Horjooge Cabdinuur Macalin Xasan ayaa sheegay inuu ka tanaasulay fikirkii Shabaabnimo, isla markaana uu ka shaqeyn doono hormarka Dalka, wuxuuna baaq u diray dhalinyarada weli ka tirsan Alshabaab.