Sargaal Ka Tirsanaa Al-shabaab oo Isku Soo Dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed

Wararka ka imaanaya Magaalaada Baydhabo ayaa ku waramaya in Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya uu isku soo dhiibay horjooge sare oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Alshabaab.

Horjoogaha isa soo dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed  oo ku magac dheer(Aadan SHaah), wuxuuna shabaab u qaabilsanaa Fulinta Weeraradda Gobolka Baay.

Saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa la filayaa in dhawaan ay saxaafadda u soo bandhigaan macluumaad ku saabsan horjoogahaan is soo dhiibay.

Mudooyinkii dambe Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibayay maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.