Saraakiil loo xiray Weerarkii lagu qaaday Xarunta Oto-oto

Ilo xog ogaal ah oo soo xiganaya saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay sheegeen in ilaa 14 sarkaal loo xiray weerarkii qaraxa ku bilowday ee Shabaab ay ku qaadeen Sabtidii xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga, halkaasi oo ay ku naf waayeen dad ku dhaw 15 qof.

Saraakiishan oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid ayaa xarigooda wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay gelinkii dambe ay kulan deg deg ah Guddiga amniga ku yeesheen Muqdisho, kaasi oo uu shir guddoominayay Wasiirka amniga.

Amarka lagu xiray Saraakiishan oo Taliyeyaal ka ahaa Baraha Kontorool ee ku teetsan wadada Maka Al-mukarama ayaa waxaa la sheegay inay bixiyeen Madaxda Qaranka gaar ahaan Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle).

 Xubnahan oo hada ku xiran mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda ayaa waxaa lagu tuhunsan yahay qaarkood inay wax ka ogaayeen weerarkan, waxaana su’aalo laga weydiinayaa qaabka uu weerarka u dhacay iyo sababta ka dambeysay in gaariga qarxay iyo ragga hubeysan ay soo dhaafaan baraha kontorool.

Inta badan ma dhacdo marka ay wax dhacaan in masuul shaqadiisa gudan waaya uu is casilo ama xilalkooda ay waayaan saraakiil ciidan, balse keliya waxaa la maqlaa baaris ay socota, cidii ka dambeysay talaabo ayaa laga qaadaa iyo ereyo kale oo Lagu maaweeliyo shacabka.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Hay’adaheeda ammaanka ayaa lagu dhaliilay inay waji gabax ku tahay in iyada oo wadooyinka ay xiran yihiin shacabkana loo diiday inay maraan meelaha qaar, hadana Shabaab hubeysan ay weeraraan xarumo dowladeed oo si aad ah loo ilaaliyo, waliba ay in muddo ah ka dagaalamaan.