Saraakiil ka Tirsan Shabaab oo Lagu daray liiska Argagixisada Caalamiga

Dowladda Mareykanka ayaa liiska Argagixisada caalamiga ah ku dartay labo xubnood oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen weeraro Al Shabaab ay ku fuliyeen Kenya iyo Soomaaliya.

War qoraal ah ah oo ka soo baxay waaxda arimaha dibadda ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Axmed Iimaan Cali iyo C/fitaax Abubakar Cabdi lagu daray liiska Argagixisada.

Sidoo kale waxaa warkaasi qoraalka ah lagu sheegay in xayiraad lagu soo rogay hantidii iyo weliba xiriirka dhinaca dalka Mareykanka

Waaxda arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xustay in Axmed Iimaan Cali oo ka tirsan Al Shabaab, kana howlgala dhinaca Kenya in uu si weyn ugu lug lahaa weeraro lagu qaaday Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

C/fitaax Abuukar Cabdi ayaa sidoo kale la sheegay in uu ku jiro liiska xubno ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo la xiriiranayo in ay ka dambeeyeen weerar lagu dilay illaa 50 ruux oo sanadkii 2014-kii ka dhacay magaalada Mpeketoni ee dalka Kenya.

Dowladda Mareykanka ayaa hore liiska Argagixisada ugu dartay xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo Daacish ee ka howlgala Soomaaliya.