Saraakiil ka tirsan Hay’ada Socdaalka oo aqoon kororsi kusoo qaatay dalka dibadiisa (sawiro)

Waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay  sarakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababbar aqoon kororsi ah ugu maqnaa dalka Ingariiska.

Garoomada diyaaradaha ee London, Manchester iyo Brigham ayey tababaro kusoo qaateen iyaga bartay sida loo hubiyo dukumintiyada iyo hababka Socdaalka waxana ay aqoonta ay soo barteen uga faa’ideyn doonaan saraakiisha kale ee Hay’adda ka howlgasha ee aan fursadda u helin inay ka qeyb galaan aqoon kororsigaasi.

todobaadki hore ayay ahayd markii ay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha Adan Cadde ayagoona markaas gaaray Magaalada London ee dalka Ingiriiska halkaasoo ay ka bilaabeen howlahoodi tababarka.

Tababbarkan ay sarakiisha ku tageen Yurub ayaa noqonaya tababarki saddexaad ee saraakiil ka tirsan Hay’adda Soccdaalka iyo Jinsiyadda u tagaan dalalka dunida ugu hormarsan, waxana tababarkan Ingariiska ( UK ) ka horeyay tababbaro kale oo lagu qabtay garoomada diyaaraha ee dalalka Norway iyo Denmark.

daawo Sawirada