Maamulka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegay in labo sarkaal oo ka tirsanaa Al Shabaab ay isku soo dhiibeen Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaana Maamulka Degmadaasi Buurhakaba uu soo badnigay Sawirrada Raggaasi oo Magacyadooda lagu kala sheegay Cusmaan Cabdi Xasan iyo Cali Uunsow, kuwaasi oo horay uga tirsanaa Xarakada Al Shabaab.
Dhawaan ayey ahayd markii Maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay in ay isku soo dhibeen saraakiil ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaas diyaarad looga dajiyay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Inkastoo weli saraakiishaasi la sheegay in ay isku soo diibeen MaamulKoonfur Galbeed aan loo soo bandhigin Warbaahinta.