Deegaanka Kabis oo ka tirsan Gobolka Gedo, ayaa lagu soo waramayaa in lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Ururka Al Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacday duqayn diyaaradeed.

Duqaynta ayaa la sheegayaa inay fuliyeen diyaarado dagaal oo Maamulka Gobolka Gedo uu ku sheegay inay ahaayeen kuwa ay wateen ciidanka Xoogga dalka Somaliya, inkastoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in Diyaaradahaasi duqeynta gaystay ay ahaayeen kuwa dalka Kenya laga leeyahay.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji oo u waramay warbaahinta, ayaa sheegay in duqayntaasi lagu dilay ku dhawaad 40 ruux oo isugu jira Saraakiil iyo askar Shabaab ka tirsan.

Wuxuu sheegay in la dilay saddex ruux oo ajaanib ah oo mid ka mid ah uu yahay caddaan, halka labada kalena uu ku sheegay inay ahaayeen kuwa Afrikaan Madow ah.

Ka sakow sheegashada Maamulka Gobolka Gedo uu sheeganayo in la beegsaday goobtaasi ay ku shirayeen Saraakiisha Al Shabaab, waxaanan jirin ilo rasmi ah oo xaqiijinaysa khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqayntaasi.

Deegaanka Kabis ayaa wuxuu ku dhaw yahay Magaalada Garbahaarey, waana deeganada ay maamulaan Ururka Al Shabaab.

Shabaab weli kama aysan hadlin duqeyntaan culus ee maanta lagula beegsaday deegaanka Kabis ee Gobolka Gedo.