Saraakiil Caan Ah Oo Ka Tirsanaa Al-shabaab Oo Isa Soo Dhiibay

Wararka naga soo kala gaaraya Gobolada Gedo iyo Bay ayaa sheegaya laba hogaamiye oo ka tirsanaa Ururka Alshabaab in ay isku dhiibeen Dowladda Soomaaliya.

Labada hogaamiye ee katirsanaa Alshabaab ee isku dhiibay Dowladda ayaa kala ah Macalin Geedow Aadan Abuubakar oo Alshabaab u qaabilsanaa gobolka Baay iyo Cabdiraxmaan Fiilow oo ahaa hogaamiyihii Alshabaab u qaabilsanaa Gobolka Gedo.

Macalin Geedoow ayaa sheegay in ay Alshabaab isaga soo baxeen kadib markii ay arkeen in ay wado qaldan ku socdaan,haatana ay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan Alshabaab.

Tan iyo markii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo in la soo dhaweynayo cidddi ka soo goosatay Alshabaab waxaa isa soo dhiibay hogaamiyaal iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Alshabaab