Saraakiil Al-shabaab ah uuna ka mid yahay Ninkii soo abaabulay Qaraxii diyaarada Daalo oo la dilay

Weerar duqeyn ku bilaawday ayaa waxaa lagu qaaday shalay oo Axada aheyd fariisimo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku leeyihiin Goobo ku dhow deegaanka Toortooroow ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo la sheegay in lagu dilay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Saraakiil dhowr ah ay ku dileen duqeyntaas oo ay ka mid yihiin Sarkaalkii qeyb ka laha abaabulka Diyaaradii Daalo Airlines,inkastoo Magaciisa aan Warbixinta lagu sheegin.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in howl gal ay fuliyeen saaxibada caalamiga ee Soomaaliya lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo ahaa ninka u qaabilsanaa qaraxyada iyo dilalka Muqdisho.

Sidoo kale Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in duqeyntaas  bartilmaameedkedu uu ahaa Wakiilkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaanay Cali Jabal, laguna dilay.

Cali Jabal

Ugu dambeyn Saraakiisha Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin weerarkaas duqeynta ah ee lagu dilay Saraakiishooda taas oo uu shaaciyay taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika.

Cheif Editor Goobsan Media Inc.                                                                               Jabril Yahye Isse