Safiirkii Maraykanka u qaabilsanaa dalka Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa is casilay, sida ay xaqiijisay Safaaradda Mareykanka ee Soomaliya.
Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay inuu is casilay Mr Schwartz, waxaana is casilaadiisa lagu sababeeyay sababo shaqsiyeed.
Sidoo kale Safaarada Maraykanka ee dalka Kenya ayaa xaqiijisay is casilaada safiirkii dowlada Maraykanka ee dalka Soomaaliya Stephen Schwartz.
Safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay si gaar ah uga caawisaa dowlada Soomaaliya dhismaha ciidamada iyo maalgelinta dhismaha dowlad goboleedyada dalka.
Iscasilaada safiirka Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegantay xilli khilaaf uu ka dhex jiro dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka,.
Stephen Schwartz safiirkii hore ee Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkaan bartamihii sanadkii hore ee 2016,waxaana haatan si kumeel gaar ah u hayn doona xilkiisa ku xigeenkiisa.