Sacuudiga oo doonayo inuu Xulufadiisa ku daro dalka Soomaaliya

Dowladda Sacuudi Carabiya oo maalmihii u dambeysay ku jirtay xaalad siyaasad kacsanaan ah ayaa markaan dowladda Soomaaliya ku cadaadinaysa in ay ka laabato Go’aanki ay horay uga qaadatay xaalada siyaasadeed ee ka aloosan Bartamaha Khaliijka.

Sacuudi Carabiya si cad ayay u muujisay dareenkeeda ku aadan go’aanki ay dowladda Soomaaliya horay u qaadatay ayadoona dowladda Sacuudigu laga yaabo inuu joojiyo Dhaqaale Maaliyadeed oo uu siin lahaa dowladda Soomaaliya.

Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladda Sacuudiga ay wafdi kale u soo direyso Soomaaliya, si ay mar kale dowladda Soomaaliya ugu qanciyaan inay xiriirka u jaraan dowladda Qadar.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Adil Al-Jubair laga yaabo in dalal ay ku jirto Soomaaliya uu booqdo, si ay ugu cadeeyaan mowqifkooda ah inay Xulafada Sacuudiga taageeraan iyo inay dhinaca kale la saftaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhex dhexaad ka noqotay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Khaliijka, waxaana ay ku baaqday in wada hadal lagu xaliyo xiisada taagan.

Tallaabada Soomaaliya qaaday ee ay ku cadeysay mowqifkeeda dhex dhexaadka ah ayaa waxay dib u dhac ku keeni karaan taageerada dhaqaale ee uu Sacuudigu u balan qaaday.

Wafdi Wasiiro ah oo ka socday dowladda Soomaaliya ayaa Arbacadii tagay Sacuudiga, iyagoo la kulmay xubno heerkooda hooseeyay oo darajadooda aheyd agaasimayaal, iyadoo aysan la kulmin Wasiiradii dhiggooda ahaa.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Danjire Dahir Maxamuud Geelle oo la hadlay Idaacada VOA ayaa xaqiijiyay in wafdiga Wasiirada la kulmeen xubno matalayay wasaaradaha Sacuudiga, oo aanay la kulmin Wasiiradii dhiggooda ahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa heysta labo daran mid dooro, waa tan koowaade taageerada Sacuudiga balan qaaday, iyo Qatar oo la rumeysan yahay inay Farmaajo taaageertay xilligii doorashada, sidoo kale Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo saaxibo la ah Madaxweyne Farmaajo uu yahay nin xiriir dhow la leh dowladda Qatar, horayna uga soo shaqeeyay Telefishinka Al Jazeera.

Hadaba dowladda Soomaaliya ayaan la ogayn qorshaha kale ee ay u diyaarisay haddi dalabka Sacuudiga sii xoogeysto.