R/Wasaare Kheyre & Shariif Xasan oo ka wada hadlaya Xaalada Muqtaar Roobow

Raisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre,Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Shariif Xasan iyo taliyaha sirdoonka Qaranka Sanbaloolshe ayaa kulan albaabada u xiran yihiin waxay ku leeyihiin madaxtooyada Somalia.

Waxaa kulankan looga hadlayaa xaalada ka soo korortay Shiikh Mukhtaar Roobow abu Mansuur oo horey uga tirsanaa hogaanka Al-shabaab kaasoo saaka isku dhiibay ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka Bakool.

Shariif Xasan oo maalmahan joogay Muqdisho ayaa saaka ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Xudur, ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya inuu isa soo dhiibay Abu Mansuur.

Wadahadalo shalay dhexmaray masuuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur galbeed oo gaaray degaanka Abal iyo Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay in ugu dambeyn uu wadaadkan ku ogolaaday inuu isku dhiibo dowlada Somalia.

Dagaalo culus ayaa maalmihii la soo dhaafay ku dhexmarayey degaanka Abal xoogag uu horkacayo Abu Mansuur oo halkaas degenaa iyo dagaalyahano taabacsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday.