Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, kadib warqad ka soo baxday xafiiskiisa.
Warqadan ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa la ogeysiiyay Wasiirka iyo Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo.
Sababta shaqada looga joojiyay ayaa waxaa lagu sheegay inay socoto baaris ku aadan eedeyn ay Hantidhawrka iyo Xeer ilaalinta ku soo oogeen Wasiir ku-xigeenka, taasi oo la xiriirta musuq maasuq.
“Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya markuu arkay Qodobka 99-aad xarfihiisa A,B,E iyo I ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, markuu arkay qodobka 100, xarfihiisa A,B iyo D,Dastuurka KMG ah ee JFS, markuu arkay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu aas-aas u yahay ku dhaqanka dastuurka, xeer hoosaadka Golaha Wasiirada, shuruucda iyo Xeerarka u yaalo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna ku shaqeyneyso daahfurnaan, isla xisaabtan iyo Dowlad wanaag ku saleysan qorshaha Horumarinta Xukuumadda Qaranka, markuu tixgeliyay soo jeedinta Hanti dhowrka Dowladda, markuu garowsaday in laga gun gaaro dulucda murtida eedeynta lagu soo oogay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada wuxuu meel mariyay shaqo ka joojin, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka bisha August sanadka 2018-ka, waxaa shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, si Hay’adaha isla xisaabtanka sharciga oo ay ugu horeeyaan Hanti dhowrka Guud iyo Xeer ilaaliyaha Guud waajibaadkooda uga gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.”
Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Sabtidii ina dhaaftay waxa ay xafiiskiisa shaqo ugu tageen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda, si ay u soo xireen, waxaana ka dhashay muran sababay inuu soo fara geliyo R.W Khayre.
Arrimo musuq maasuq la xiriira ayaa dhawaan dowladdu waxa ay u xirtay Agaasimaha dib u dejinta Barakacayaasha Wasaaradda Gargaarka, Kaaliye ka tirsan Maxkamadda gobolka Banaadir iyo Saraakiil ciidan oo uu ku jiro Taliyihii Booliska degmada Wartanabadda, waxaana dhammaantood ku socota baaris.