R/Wasaare Kheyre oo la kulmay Guddiga Amaanka iyo Siyaasada Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Guddida ammaanka iyo siyaasadda ee Midowga Yurub (EU PSC).

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu u gudbiyey farriintiisa ah in hadda ay jirto rajo badan oo Soomaaliya ka soo ka banayso, Safiirrada Midowga Yurub waxa ay muujiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin qorshayaasha xumuumaddiisa.

Kulankani waxa uu sahlay safiirrada inay fahmaan caqabadaha soo wajaha Dowladda Federaalka ah inta lagu gudo jiro ka miro-dhalinta qorshayaasha, waxaa xusid mudan sida ay xubanahani u muujiyeen inay ka go’an tahay inay taageeraan si dhaw qorshayaashan ay dawladdu hirgelinayso.

Intii lagu gudo jirey doodahan, waxa uu Ra’iisal Wasaaruhu xusay Saddex qodob isagoo uga mahadceliyay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub inay taageeraan Dowladdiisa.
  1. Deeq Maaliyadeed oo toos ah oo xaddigeedu gaarayo €100 Million (Barnaamij la ansixin doono dhammaadka Bisha May).
  2. Taageero baaxad leh oo dhaqaale oo ku waajahan dadaallada xasilineed oo gaaraysa €80 Million, taas oo iyadana la ansixin doono dhammaadka Bisha May.
  3. Taageero joogto ah oo ku aaddan AMISOM, taas oo dooddeeda si dhakhso ah loo bilaabi doono, ayna soo dhammaan doonto dooddaasi gabagabada bisha June.

Isku soo wada duuboo shirarkani waxay ka turjumayaan sida ay Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uga go’an tahay inay jid walba u marto sidii ummada Soomaaliyeed u heli lahayd Nolol wanaagsan, Nabad waarta iyo Nidaam guulaysta oo ka hir gala guud ahaan Dalka.