Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta gaaray Magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa halkaasi ka waddo kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Xaaladda dalka.
Magaalada Qardho ayaa ra’iisul Wasaare Kheyre waxaa kusoo dhaweeyay Shacab iyo sidoo kale Madaxda dhaqanka Magaalada Qardho.
Kheyre ayaa marka uu Magaalada soo gaaray la hadlay Boqolaal ka mid ah Shacabka Magaalada Qardho.
Dhinaca kale waxaa la filayaa Ra’iisul wasaaraha in uu ka qeyb galo oo uu soo xiro shir dib u heshiisiin ah oo dhawaanahan halkaasi uga socday beelo walaalaha oo wada daga deegaano kamid ah Puntland.