Kulan u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyay Wasiirkiisa Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir oo looga hadlayay hakadka ay maalmahan ku jirto dhaq dhaqaaqa Dekeda Muqdisho iyo cabashada laga keenay canshuuraha ay dowladdu soo rogtay ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in kulankan oo shalay gelinkii dambe dhacay, saacado badana qaatay la isku afgaran waayay in wax is faham ah laga gaaro, kaddib markii Xukuumadda ku adkeysatay Canshuuraha xad-dhaafka ah ee ay ku soo rogtay alaabaha lagala soo dego Dekeda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Ganacsatada ayaa dood kulul dhex martay, waxaana Ganacsatada ay qeyla dhaan ka keeneen canshuurta xad dhaafka ee lagu soo rogay alaab kasta oo dekeda laga soo dejiyo oo lagu kordhiyo 5%, taasoo Ganacsatadu sheegeen inay tahay mid u gaar ah Dekeda Muqdisho,
Ganacsatada ayaa cabashadooda u sababeeyay Dekedaha kale ee dalka aanay ka jirin canshuur xad-dhaaf ah, isla markaana hadii ay tan suura gasho ay dib u dhac badan kala kulmayaan Ganacsigooda, ayna keeni karto in Suuqyada Muqdisho uu ka dhaco sicir barar iyo inuu kordho qiimaha wax lagu iibsado.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku adkeystay in canshuurta ay tahay mid dowladda u baahan tahay, qeybna ka ah nidaamka dowladnimada, isla markaana aanay suurta gal aheyn in wax laga dhimo, waxaa uu ka codsaday in Ganacsatada inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay in Ganacsatada in Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ay ku riixeyso sidii loo qaadi lahaa canshuuraha, isla markaana la waafajiyo nidaamka canshuur qaadista, si ay horseed ugu noqoto in laga cafiyo deymaha.
Dhinaca kale Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan kulan gaar ah oo ay uga hadlayaan kulankii shalay ee natiijo la’aanta ku dhamaaday.
Dekeda Muqdisho ayaa dhowr maalmood hakad ku jirta, tan iyo markii Wasaaradda Maaliyadda ay soo rogtay canshuuro xad-dhaaf ah, ma jirto alaab lagala soo degayo ama laga dhoofinayo Dekeda, iyadoo Ganacsatada ay ku xiran tahay inay alaabahooda kala soo baxaan Dekeda inay bixiyaan lacagaha canshuuraha ee lagu kordhiyo.