R/Wasaare Khayre oo soo xiray wajiga koowaad ee la xisaabtanka Golaha Wasiirada (Sawiro)

Kulan doorkiisu ahaa la xisaabtan ayaa dhex maray Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyo Ra’isalwasaare Khayre.

R/wasaaraha ayaa soo gaba gabeeyay wajiga koowaad ee la xisaabtanka Wasiiradiisa, taasoo shalay soo bilowday, iyadoo Wasiirada mid mid loogu yeerayo, lagana dhageysanayo waxqabadkiisa boqolka maalmood.

Qorshaha la xisaabtanka Golaha Wasiirada oo ah mid cusub, ayaa ujeedkiisa yahay sidii Ra’iisul Wasaaruhu u qiimeyn lahaa wasiir walba waxqabadkiisa boqolka maalmood ee ugu horeeya Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo fool ka fool ah la yeelanayay Wasiirada, waxaana uu ka dhageysanayay wasiir walba qorshe howleedkiisa iyo wixii uu qabtay labadii bilood ee u dambeeyay.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud ayaa sheegay in barnaamijka la xisaabtanka xukuumadda uu yahay sidii Wasiir walba looga dhageysan lahaa qorshe howleedkiisa iyo waxqabadka uu sameeyay boqolka maalmood.

C/llaahi Xaamud ayaa sheegay in marka uu dhamaado boqolka maalmood hadana loo yeeri doono Wasiirada, si howlaha loo igmaday wixii uu ka qabtay la soo bandhigo, lana xisaabtamo, hadii ay caqabado jiraan wada tashi golaha ka sameeyaan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay noqon doonto mid shaqo, isla markaana ay sameyn doonaan wax kasta oo shacabka loogu adeegayo.

Waa tallaabadii u horeysay nooceeda ee Ra’iisul Wasaaraha u qaado dhanka la xisaabtanka Xukuumaddiisa, iyadoo tani muujineyso sida Ra’iisul Wasaaruhu uga go’an tahay inuu Wasiir walba ku koontaroolo shaqadiisa.

SAWIRO