Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si uu uga qeyb galo shirka madaxda Urur Goboleedka IGAD.
Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Addis Ababa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, iyadoo intaasi kadib loo galbiyay Magaalada.
Shirka Madaxda Urur Goboledka IGAD ee ka qabsoomaya magaalada Addis Ababa ayaa waxaa horey ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.
Arimaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ayaa waxa ay yihiin xaaladaha ka taagan dalka Suudaanta Koonfureed iyo sidii madaxda Gobolka ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayeen.
Mudane Khayre ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya la kulmi doona madaxda dalkaasi iyo qaar ka mid ah madaxda Gobolka.
Madaxda Urur Goboledka IGAD ayaa la filayaa inay go’aano ka soo saaraan Shirkooda oo ay kaga hadlayaan xaaladaha dalka Suudaan iyo arrimo kale.
SAWIRO