R/wasaare Khayre oo lagu soo dhaweeyay magaalada Doxa ee dalka Qadar (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Gaaray Magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qadar , waxaana soo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Madaxda dalkaasi.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay ka qeyb galayaan Shir Caalami ah oo Berri ka furmaya Magaalada Doxa.

Qodobada Shirkaasi looga hadlaayo waxaa ka mid ah Dhaqaalaha,maalgashiga,amniga iyo xiriirka Waddamada Bariga dhexe.

Safarkan ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyay ee R/wasaare khayre uu ku tago wadanka dibadiisa tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’isalwasaaraha.