R/wasaare Khayre oo ka qayb galay furitaanka Imtixaanaadka Shahaadiga ee waxbarashada Dowladda (Sawiro)

In ka badan 23 kun  arday  oo  dhameysay waxbarashadda dugsiyada  sare ee dalka ayaa   maanta u fadhiistay imtixaanka shahaaadiga, iyadoo  si rasmi ah uga furay  magaaladda Muqdisho ra’iisul wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya   Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyo wasiirka waxbarashadda  dalka iyo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullahi Xaamud.

Wasaaradda waxbarashadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqaysay ama hirgalisay  qaadista imtixanka   dugsiga sare  ee sanadka dugsiyaadka 2016-2017, waxaana imtixaanka uu ka dhacaya 77 xarumood oo ku kala yaala gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya oo dugsiga 15 May ee degmada Warta nabadda oo kamid ah meelaha imtixaanka lagu qaadayo booqdey ayaa dhamaan mid mid u salaamay ardayda ka qayb galaysa imtixaanka, isagoo ku dhiri galinayey in ay  ka dhabeyaan hadafka ah in ay ku guuleystaan imtixaanka iyo guud ahaan waxbarashada.

Wasiirka  waxbarashadda ee xukumadda Soomaaliya  Dr. Cabdiraxmaan Daahir  Cismaan, ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadda ay sharaf weyn u tahay qaadista imtixaankan.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, oo la hadlay  ardayga galisa imxitaanka  ayaa  xusay in ay ardaydani ay  tusaale  u yihiin in dalkeenu uu leeyahay mustaqbal wanaagsan wax barashadduna ya horseed  u tahay  horumarka dalka.

“Maanta waa maalin ahmiyad weyn leh runtii in 27 kun oo arday laga soo bilaabo dowlad goboleedka Puntland iyo Jubaland inta u dhaxeysa  in 23-kun oo arday Soomaaliyeed galayaan imtixaanka dugsiga sare, waa tilmaan muujineysa in dalkeenu uu leeyahay rajo wanaagsan,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale, imtixaanka dugsiga sare ayaa maanta ka bilowday magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Beled weyn, Cadaado, Gaalkacyo iyo kuwo kale.