In ka badan 23 kun arday oo dhameysay waxbarashadda dugsiyada sare ee dalka ayaa maanta u fadhiistay imtixaanka shahaaadiga, iyadoo si rasmi ah uga furay magaaladda Muqdisho ra’iisul wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyo wasiirka waxbarashadda dalka iyo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullahi Xaamud.
Wasaaradda waxbarashadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqaysay ama hirgalisay qaadista imtixanka dugsiga sare ee sanadka dugsiyaadka 2016-2017, waxaana imtixaanka uu ka dhacaya 77 xarumood oo ku kala yaala gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya oo dugsiga 15 May ee degmada Warta nabadda oo kamid ah meelaha imtixaanka lagu qaadayo booqdey ayaa dhamaan mid mid u salaamay ardayda ka qayb galaysa imtixaanka, isagoo ku dhiri galinayey in ay ka dhabeyaan hadafka ah in ay ku guuleystaan imtixaanka iyo guud ahaan waxbarashada.
Wasiirka waxbarashadda ee xukumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadda ay sharaf weyn u tahay qaadista imtixaankan.
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, oo la hadlay ardayga galisa imxitaanka ayaa xusay in ay ardaydani ay tusaale u yihiin in dalkeenu uu leeyahay mustaqbal wanaagsan wax barashadduna ya horseed u tahay horumarka dalka.
“Maanta waa maalin ahmiyad weyn leh runtii in 27 kun oo arday laga soo bilaabo dowlad goboleedka Puntland iyo Jubaland inta u dhaxeysa in 23-kun oo arday Soomaaliyeed galayaan imtixaanka dugsiga sare, waa tilmaan muujineysa in dalkeenu uu leeyahay rajo wanaagsan,” ayuu yiri Kheyre.
Sidoo kale, imtixaanka dugsiga sare ayaa maanta ka bilowday magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Beled weyn, Cadaado, Gaalkacyo iyo kuwo kale.