R/wasaare Khayre oo ka hadlay Sanadka 2018-ka waxyaabaha horyaala Shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay su’aalo waa weyn in shacabka Soomaaliyeed ay horyaallaan sanadkan 2018-ka iyo 2019-ka, hadii aanan laga jawaabina aanan la gaareyn hamiga Dowladda Federaalka ay leedahay.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre hadii suuragal ay noqoto in laga jawaabo su’aalahaas adag in awooda loo soo celiyo shacabka Soomaaliyeed, Madaxda Qarankana ay ku dadaalayaan sidii dalkan loo gaarsiin lahaa Doorasho Qof iyo Cod ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalabay in Dowladda Federaalka ay kala shaqeeyaan sidii lo dhameystiri lahaa Dastuurka, Nuuca Doorasho ee dalka uu yeelanayo, Arrimaha Cadaaladda, Horumarka dalka iyo wax walba oo ku saabsan dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay shacabka uga baahan tahay taageero buuxda, cidii aanan Dowladda garab istaageyninna keliya ay joojiso dhibaatada.

Khayre ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay Munaasabad casho sharaf aheyd oo Madaxda Dowlad Goboleedyada loogu sameeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida qorshaha uu yahay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa 28-ka March ee sanadkan waxa ay isugu tagayaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo lagu qaban doono shir looga hadlayo dhameystirka Kheyraadka dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka.