R/wasaare Khayre oo goordhow ka duulay Garoonka Adan Cadde

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Turkiga.

Waxaa uu  casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga sida ay shaaciyeen Mas’uuliyiinta dowladda.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyadoo ay ka wada hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, isagoo inta uu joogo dalka Turkiga lagu wado inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi.