Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga, Wasiirka dhalinyaradda iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku sugan dhammaan madaxda maamul goboleedyadda, waxaana halkaasi ka socda Xafladda caleema saarka Madaxweynaha Hirshabeelle.