R/wasaare Khayre ” dalka uma ogolaan doono in mucaaradku gabaad ka dhigto”

Raisalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaaladda New York ee dalka mareykanka ayaa la kulmay Raisulwasaaraha dalka Ethopia   Hailemariam Desalegn iyagoona kawada hadlay xiriirka labada dal.

Kheyre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaliya aysan u dulqaadan doonin in gudaha dalka ay ku sugnaadaan shaqsiyaad dhibaato ku ah jiritaanka dowladda ethopia, islamarkaana labada dhinac ay ku heshiiyeen in laga wada shaqeeyo nabadda labada dal.

“Waxaan u balan qaaday Raisulwasaaraha Ethopia Hailemariam Desalegn In Somaliya gabaad aysan u noqon doonin kooxaha Mucaaradka Ku ah Ethiopia”ayuu yiri Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre.
Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya oo lagu faahfaahiyay kulan dhexmaray  labada mas’uul.

Hoos ka Akhriso Qoraalka wasiirka Itoobiya.