Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir, waxana ay ka wada hadleen cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhexeeya labada bulsho ee walaalaha ah iyo sidii ay Sudan iyo Soomaaliya u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer oo ay colaad ku jirtay kadib, ay haatan hayso dhabbada dib-u.soo kabashada iyo wax wada qeybsiga dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waxana uu intaasi raaciyey in Sudan ay kamid ahayd dalalkii garab taagnaa mudadaa dheer dalkeena isla markaana ay Soomaaliya diyaar u tahay in iskaashiga labada dal ay xoojinayaan.
“Soomaaliya iyo Sudan waa laba dal oo walaalo ah, wax badana ay ka dhexeeyaan, xiriirkooduna uu yahay mid qotada dheer oo mar walba wanaagsan. Suudaan waxay naga taageertay hadana ay diyaar u tahay, dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, tababarka ciidammada booliska iyo amniga. Ayuu yiri R.W Xasan Kheyre.
Madaxweynaha Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir ayaa dhankiisa balan qaadey inuu sii xoojin doono cilaaqaadka labada dawladood, isagoo casuumaad u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal.
Sidoo kale Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kula kulmay xafiiskiisa ra’iisul asaaraha wadanka Ethiopia Hailemariam iyagoo ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada dal.
Hailemariam ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa ugaga mahadceliyay ra’iisul wasaare Kheyre booqashada uu ku soo booqday xafiiskiisa iyadoo ra’iisul wasaare Kheyre uu ka mid ahaa madaxdii ka qeybgashay kulankii ay madaxda dowlad goboleedyada IGAD ee lagu qabtay caasimada dalka Ethiopia.
SAWIRO