R/wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Farmaajo oo la filayo inay Kulamo yeeshaan (SAWIRRO)

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa lagu waddaa in loo soo galbiyo xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya,halkaasi oo kulamo kala duwan kula qaadan doono Madaxda Qaranka.
Abiy Ahmed ayaa tan iyo marki loo magacaabay xilkan lasoo baxay Siyaasad furfuran taasoo uu uga gol leeyahay inuu ku wanaajiyo Wadamada deriska la ah Itoobiya.
Balse waxaa Tilaabooyinka uu qaadayo ku dhaliilay Xisbigii hore talada u hayay ee Tikreegu lahaayeen.