RW Kheyre oo La Amray in uu Xilka ka Qaado Qaar Kamid ah Wasiiradiisa

Guddiga qaban-qaabada doorashadda Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ugu baaqay in uu xilka ka qaado Wasiirada isu soo sharxay xilka Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaliya.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka Sooomaaliya Nuur Iidow Beyle oo warbaahinta la hadlay kadib markii loo doortay xilkaan ayaa sheegay in guddiga uusan aqbali doonin in uu  tartamo qof Wasiir ah oo xilhaya.

Waxa uu sheegay in Guddiga uu haatan gacanta ku hayo Magacyadda 11 xubnood uu u sharaxan xilka Gudoomiyaha, waxaana kamid ah xubnaha sharxan 3-wasiir oo ka Tirsan Xukuumadda oo kala ah Wasiirrada difaaca,Tamarta iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xukuumadda Soomaaliya ay wadato Musharax gaar ah oo la doonayo in lagu badalo booskii uu ka baxay Jawaari.