Ruushka oo ku dhawaaqay xabad joojin

Ruushka ayaa ku dhawaaqay xabad joojin ku meelgaar ah inuu ka samaynayo labo magaalo oo Ukraine ah si loo furo waddooyinka bini’aadantinimo,wasaaradda difaaca Ruushka ayaa ku sheegtay go’aankan mid badbaado oo lagu danaynayo dadka rayidka ee ku nool magaalooyinka Mariupol iyo Volnovakha si ay uga soo gudbaan.

duqa magaalada Mariupol,Vadim Boychenko ayaa hore ugu dhawaaqay inay magaalada duqayn xooggan ku hayaan ciidamada Ruushka sidoo kalena shacabka lagu khasbay inay ku noolaadaan cunto la’aan,biyo la’aan iyo koronto la’aan.

Dagaalka Ruushka ku qaaday dalka Ukrain ayaa waxaa ka carooday beesha caalamka, iyadoo Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Mareykanka iyo qaar kale ay cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogeen Ruushka.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ugu yaraan 331 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay Ukraine 675 kalena waa lagu dhaawacay tan iyo markii ay bilowdeen weerarada Ruushku.