Guddiga Diiwaan-gelinta Qareenada ayaa ruqsadii Qareenimo kala laabtay Yaxye Sheekh Cali oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Galmudug.
Warqad qoraal ah oo uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ahna Guddoomiyaha Diiwaan-gelinta Qareenada Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa lagu sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu Yaxye yahay shaqsi caadi ah.
Qoraalka ka soo baxay Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Yaxye uu horay isaga casilay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug, isla markaana u Qareenimada dib ugu soo laabtay.
Hoos ka akhriso Warqada cadaynta ee kala laabashada Ruqsada.