Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaanka Laantabuuro ayaa sheegaya in dad shacab ah lagu dilay qaarna lagu afduubtay.
Dad shacab ah oo la socday gaari Homey ah ayaa waxaa rasaaseeyay maleeshiyaad ku sugan deegaanka Laantabuuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose,
Inta la xaqiijiyayna waxaa ku geeriyootay gaariga rasaasta lagu furay ilaa 4 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in maleeshiyada rasaaseesay gaariga ay horey u sii ka xeysteen 5 Qof,ayagoona sii daayay 8 qof oo la socday gaariga.