Ra’isul Wasaare Kheyre oo la dar-daarmay Ardayda Jaamacadaha dalka (SAWIRRO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa boqolaal ardey oo isaga kala yimid Jaamacadaha dalka, kula hadlay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, wuxuna kula dar-daarmay in wadajir loogu istaago sidii looga shaqeyn lahaa Soomaaliya mar kale cagaheeda isu taagtay oo ka tilmaaman dalalka kale ee Caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha sheegay in dib-u-howlgelinta Jaamacadda Umaddu ay tahay astaan qaran, isla markaana ay Xukuumaddu xooga saari doonto sidii loo dhisi lahaa guud ahaan xarumaha ay leedahay Jaamacaddu, gaar ahaan xarunta weyn ee Gaheyr.

“Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumari kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marinaa tacliinta, waana mid ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalka” ayuu yiri R.Wasaare Xasan Cali Kheyre oo intaas raaciyey .